Ilhan Omar oo ka guuleysatay weerar Siyaasadeed oo lagu soo qaaday

Xildhibaanada Taageersan Xukuumada Benjamin Netanyahu ee ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka oo ay Ilhan kamid tahay ayaa waday olole ay doonayeen in Golaha Wakiilada cod u qaado qaraar lagu cambaareenayo Xildhibaanada asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen Yahuud-naceyb.

Weerarkan cusub oo bilowday horaantii asbuucan ayaa waxaa soo abaabulay qaar kamid ah hogaanka Xisbiga Dimuquraadiga oo ay ku jirto Guddoomiyahooda Ms.Nancy Pelosi iyo koox Xildhibaano Yahuud ah oo ku tilmaamay hadalada Xildhibaanada Ilhan kuwo salka ku haya yahuud-naceyb, kooxdan xildhibaanada ah ee cadaadiska saaray Ilhan markii 2aad ayaa ah kuwa daacada u ah kooxda u ololeysa Israel ee loo yaqaan AIPAC oo ay horey u cambaareysay Ilhan Omar.

Qaraarka ay soo diyaariyeen Xildhibaanadan oo ay doonayeen in codka loo qaado Arbacadii shalay ayaa fashilay kadib markii uu buuq weyn ka dhex dhashay isla xisbiga Dimuquraadiga oo ay xildhibaano badan la safteen Ilhan iyadoo shirkii xisbigaasii keenay in lagu kala kaco.

Ilhan Omar oo diiday in siyaasiyan-la-aamusiyo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay shir ay ka qeyb gashay ku sheegtay in ay khalad tahay in Xildhibaanada Maraykanka ay daacad u ahaadaan labo wadan hadii ay doonayaan inay kamid ahaadaan guddiyada Baarlamaanka ee awoodaleh, hadalkaasi oo loo micneeyey inay ulla jeeday wadanka labaad Israel oo ay daacad u yihiin Xildhibaano badan oo Maraykan ah.

Xildhibaanada u badan dhalinyarada ee ku cusub Baarlamaanka oo iyagu hada taageero xoogan ku dhexleh shacabka Maraykanka ayaa la saftay Ilhan Omar, arrintaasi oo keentay in dib loo dhigo qaraarkii taageerayaasha Israel horkeeni lahaayeen Baarlamaanka.

Murashaxiin Madaxweyne iyo Siyaasiyiin Taageeray Ilhan Omar

Waxaa sidoo kale si buuxda u taageeray Ilhan Omar qaar badan oo kamid ah Yahuuda Maraykanka oo sheegay in Ilhan aysan necbeen Yahuuda balse ay xaq tahay inay cambaareyso xukuumada xagjirka ah ee Israel ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu oo ay sheegeen inuusan metelin Yahuuda.

Senator Bernie Sanders oo ah murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga ka dhex tartamaya ahna siyaasiga xiligan ugu taageerada badan Maraykanka ayaa sheegay inuu garab taagan yahay isla markaana uu difaaci doono Ilhan Omar. Senator Sanders ayaa qudhiisa ah nin Yahuud ah.

Kooxda Kudlada xildhibaanada Madowga Maraykanka ee kamid ah Dimuquraadiga ayaa taageero la garab istaagay Ilhan Omar.

Senatorada Kamala Harris oo ah haweenaydii ugu horeysay ee Madowga Maraykanka oo u tartameysa Xilka Madaxweynaha ayaa iyaduna sheegtay inay taageersan tahay Ilhan.

Murashaxiinta Madaxweynaha ee taageeray Ilhan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Elizabeth Warren iyo Tulsi Gabbard oo ka tirsan Golaha Wakiilada & Senate-ka.

Waji-gabaxii Nancy Pelosi

Kooxda ay hogaamineysay Nancy Pelosi oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayey lama filaan ku noqotay taageerada Ilhan Omar ku dhexleedahay Dimuquraadiga ayaa sheegay inay wax ka bedali doonaan qaraarkii ay doonayeen in loo codeeyo isla markaana sheegay inay ka saareen qoraalkaasi cambaareynta Ilhan Omar, waxayna sheegeen in qaraarkaasi kusoo koobi doonaan cambaareynta hadala Muslim & Yahuud-Naceybka ah.

Ololaha Xagjirka, Trump & Israel

Ilhan Omar ayey horey weerar ugu hayeen xisbi xaakimka oo uu hogaaminayo Donald Trump oo si toos ah marar badan u sheegay in Ilhan laga saaro guddiga Golaha Wakiilada u qaabilsan Siyaasada Arrimaha Dibada, dhinaca kale Ilhan ayaa weeraradan siyaasadeed ku heshay taageerayaal badan oo ah shacabka Maraykanka oo qaarkood cadaadis saaray xildhibaanada gobaladooda laga soo doorto inay garab istaagaan Xildhibaanada Soomaaliga ah.

Jariirada New York Times ayaa iyaduna qortay warbixin dheer oo muujineysa in kooxda Israel u ololeysa ee AIPAC asbuucyadii lasoo dhaafay olole xoogan ugu jireen inay ku cadaadiyaan hogaanka xisbiga Dimuquraadiga iyo waliba kuwa Jamhuuriga inay weeraraan Ilhan Omar.

Xildhibaanada ku xiran Israel oo horey awood badan ugu lahaan jiray Baarlamaanka Maraykanka ayaa si weyn uga cabsi qaba Xildhibaanada cusub ee Dimuquraadiga iyo ololaha Ilhan ee ka dhanka ah xukuumada Israel maadaama xildhibaanadaasi ay hada kamid tahay Guddiga Kongareeska ee Siyaasada Arrimaha Dibada.

Hay’ada danbi-baarista Maraykanka ee FBI ayaa hada wada baaritaano ku aadan kooxo iyo shaqsiyaad la sheegay inay Ilhan Omar ugu hanjabeen dil kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin taageerayaasha Trump.

W/Q Khalid Yusuf

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -