Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas la maqlayo

Waxaa goordhaw qarax xoogan oo loo maleenayo in uu yahay ismiidaamin uu ka dhacay  Taalada Xaawo Taako oo ku dhaw Tayaatarka Qaranka ,waxaana jugta qaraxan uu ahaa mid si weyna looga maqlay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Uuro madow iyo holac ayaa laga arkayaa aaga uu qaraxu ka dhacay goordhaw, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa kuyaala maqaayad laga cunteeyo, waxa asidoo kale ku dhaw Hotel lagu magacaabo Xaawo Taako, waxaana la maqlayaa rasaas aan wali la ogeyn cida rideysa.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa durba gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka socda gurmad ay sameenayaan gaadiidka Gurmadka, waxaa sidoo kale xiray aaga qaraxu ka dhacay ciidamada amaanka.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -