Xeer ilaaliyaha Qaranka: “Waxaan heynaa nin 40 jir ah oo kufsaday gabar 5 jir ah”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay shirweynaha haweenka ee ka furan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee Xamar uu ku xeran yahay nin 40 sano jir ah oo kufsi uu geystay gabar 5 jir ah.

Kiiskan ayuu ku sheegay iney dhib weyn ku qabaan, maadaama ay daba socdaan ehelada gabadhooda la kufsaday oo dalbanaya in la sii daayo ninka gabadha yar kufsaday.

“Ehelada gabadhooda yar la kufsaday waxay ku doodayaan in si hoose loo xaliyay kiiskan hadda horyaalla xeer ilaalinta, ayna doonayaan in la fasaxo ninka dhibka geystay ee afartan jirka ah” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Sidoo kale Axmed  Cali Daahir ayaa shaaca ka qaaday in Magaalada Muqdisho dukaamada qaar ee ku yaalla lagu iibiyo waxyaabo maanka dooriya, kuwaasoo kalifaya marka dambe in la isku galmoodo sidii ay doontaba haku timaadee.

Maandooriyahan ayuu ku micneeyay inay wada isticmaalaan ragga iyo dumarka intooda badan, Balse aanan jirin qof kaliya ee isticmaala, isagoo laamaha amaanka ugu baaqay iney wax ka qabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -