Shaqsiyada Ninkii laayay ardayda iskuulka Florida oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan shaqsiyada ninka toogashada ka geystay dugsiga sare ee Marjory Stoneman Douglas High School ee Parkland, Florida, halkaasoo uu ku laayay 17 qof, kuwa badan oo kalena uu ku dhaawacay.

Waxaa la sheegay in Nikolas Cruz uu ahaa wiil kaligiis ah, rabshad badan, waalidkiisna ay dhinteen, kaasoo laga eryay iskuulka kal hore.

Mid ka mid ah ardayda dhigata iskuulka ayaa sheegay in marar hore ardayda ay wiilkan kula kaftameen inuu maalin noqon doono nin toogasho ba’an ka geysta iskuulka.

Waxaa xaalka uga sii daray in hoggaamiyaha koox xagjirka ah caddaanka uu sheegay in Cruz uu ka tirsanaa kooxdooda, isla markaasna uu tababar ka qeybqaatay.

Macalin xisaabta dhiga oo lagu magacaabo Jim Gard ayaa wargeyska Miami Herald u sheegay in macalimiinta iskuulka loo soo qoray email looga digayo hanjabaado uu wiilkan horey u jeediyay, taas oo keentay in iskuulka laga eryo.

Waxa uu Gard intaas ku daray in wiilkan uu aad u jeclaa gabadh iskuulka dhigata, heer uu gaaray in uu dabogalo, meel kastana uga dabo tago iyada oo aan ogol ka ahayn.

Mid ka mid ah ardayda ayaa sheegay in Cruz uu aad ugu waalnaa hubka, isaga oo marar badan xitaa si ula kac ah u yeeriyay alaarmiga dabka ee iskuulka, illaa heer iskuulka laga eryey.

Cruz ma uusan lahayn wax saaxiibo, qof kasta oo ay isla hadlaane ganafka ayuu galin jiray.

Duqa magaalada ay arrinta ka dhacday Beam Furr ayaa taleefishinka CNN u sheegay in Cruz uu sanad ka hor tagay isbitaal xagga dhimirka ah, kaas oo uu codsaday in daweyn la siiyo.

Waxa uu dambiga ku geystay qori noociisu yahay AR-15 oo uu si sharci ah ku iibsaday.

Dadkii dariska la ahaa qaarkood waxa ay sheegeen in Cruz si fiican looga garanayay aagga in uu ahaa nin rabshad badan oo dadka oo dhan ay ka fogaadaan.

Maalintii uu falka samayn rabay, waa uu iska jiiftay, reerkana wuxu u sheegay sabab been ah, mardambe ayuu qaatay gaadiidka Uber, wuxuuna aaday iskuulkiisii hore, isaga oo reerka u sheegay in ay tahay maalinta jacaylka adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -