Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa xaafadda Maanaboolyo ee dhinaca degmada Boondheere ku dishay haweeney lagu magacaabi jiray Baxsan Cabdulle Boolaay oo ka mid aheyd ganacsatada degaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Baxsan ay ka mid aheyd ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa weerar ku qaaday nin Bistoolad ku hubeysan, waxayna u geeriyootay rasaastii lagu furay sida dadka degaanku sheegayaan, iyadoo qofkii dilka geystayna uu baxsaday.

Dilkan ayaa noqonaya kii 3aad ee manata ka dhaca Muqdisho, iyadoo galabta qof shacab ahaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka horeeyey nin Darawal ka ahaa mooto Bajaaj oo lagu dilay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana falkaasi geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -