Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Hanafy El Gebaly (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa Xarunta Baarlamaanka Magalada Qaahira kulan laba geesood ah kula yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly.

Kulanka oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa looga wada hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda. Sidoo kale kulankaan ayaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howlwadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha. Waxaana sidoo kale kulanka la Isla gartay In la dhiso guddi sxbtinimo labada Baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan gelinta qodobada la isku afgartay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la dagaalanka kooxaha Argagixisada.

- Advertisement -