Sh. Sabah Al-Axmad Al-Sabah oo Warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Somalia (Sawirro)

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kuwait ayaa waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Amiirka dalka Kuwait Shiikh Sabah al Axmad Al-Sabah.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kuwait Danjire Cabdullaahi Max’ed Odowaa ayaa si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyay qasriga Boqortooyada ee dalkaasi.

Boqorka iyo danjiraha oo kulan gaaban yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna boqorka Kuwait balan-qaaday inuu kordhinayo taageerada ay dowladiisu siiso Somalia oo ka soo kabaneysa dagaalo sokeeye iyo burbur sanado badan ka jiray.

Dalka Kuwait oo ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha fiican khaliijka ayaa waxaa ku nool boqolaal Soomaali ah oo dalkaas siyaabo kala duwan uga shaqeysta, kuwaasoo qaarkood muddo 50 sano ka badan ku noolaa dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -