Gen. Hulusi Akar oo booqday saldhiga Milateri ee Turkigu ku leeyihiin Somalia (Daawo Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Turkiga Hulusi Akar oo maalintii labaad booqasho ku jooga Muqdisho ayaa booqday saldhiga milateriga Turkiga ku leeyahay duleedka caasimadda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo Saraakiil kale ayaa wasiirka difaaca turkiga ku wehliyey booqashadiisa.

Ciidamada dowlada ee saldhigaas ku xareysan iyo ciidamada Turkiga ee gacanta ku haya ayaa dhoolatus soo dhaweyn ah u sameeyay masuuliyiinta, iyagoo siiyey salaam sharaf.

Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga ayaa  warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Turkiga ee saldhigaasi ku jira taasoo ku saabsan tababarada saldhigaas ka socda iyo xaalada ka jirta.

Sidoo kale Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay saldhigaas isagoo Saraakiisha kula dardaarmay inay sii wadaan tababarka ay siiyaan ciidamada dowladda.

Waxaa uu balan-qaaday in dowlada Turkiga ay sii wadeyso taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda intaba wuxuuna ka maahd celiyey sidii diiraneyd ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -