Maxaa ku qasbay Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia inuu been u sheego shacabka Soomaaliyeed?

Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa maanta soo dhigay qodobbo u sheegay in looga hadlay kulanka madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta.

Qodobada uu sheegay ayaa ahaa:

  1. Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Uhuru Kenyatta ayaa wada hadallo ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.
  2. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay Dowladda Kenya hoos u dhigtay.
  3. Labada Danjire waxay ku laabanayaan safaaradahooda.
  4. Ajandaha wada hadallada wax uu ku koobnaa oo kaliya xal u helista mad-madowga diblomaasiyadeed ee labada dal soo kala dhex galay.
  5. Madaxweynayaashu kama wada hadal, lamana soo hadal qaadin Kiiska Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, Dowladda Soomaaliyana mawqifkeeda waa mid cad oo aan mugdi ku jirin.
  6. Madaxweynayaashu waxay uga mahadcelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaalinta uu ka geystay wada hadalladan, si dalalka gobolku ay ugu wada noolaadaan daris-wanaag, is-ixtiraam, iskaashi iyo wada shaqeyn.

Waxyar kadib hadalkaas, waxaa qoraal kaasi ka duwan soo dhigay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isaga oo sheegay in wahadalka uu gar wadeenka ka ahaa ee Soomaaliya iyo Kenya si qoto dheer looga wada hadlay arrimaha muranka dhaliyey, la iskuna af gartay nabad iyo in laga tiktoonaado arrimo xiiso kicinaya.

Sidoo kale, Jariidadda The Star ee ka soo baxda dalka Kenya ayaa sidoo kale qortay in madaxweynaha Soomaaliya iyo midka Kenya ay ka wada hadleen arrimaha muranka badda, taasi sidoo kale ka hor imaanneysa hadalka agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada.

Haddaba, Su’aasha waa, Maxaa ku qasbay inuu been sheego, horayse meeqo been ayuu shacabka ugu sheegay?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa caadeysatay in been u sheegto shacabka, xataa wararka ka soo baxa, waxaa ay ka reebaan weriyeyaasha iyaga oo u soo sameeya cinwaan been ah, soo raaciya qoraal ka tarjumaya waxa ay rabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -