Diblomaasi ka faallooda arrimaha geeska Afrika oo shaki Weyn ka muujiyay Kulankii Nairobi

Danjire Maxamed Maxamuud Caalim :-Aqoonyahan, siyaasi iyo diblumaasi ka faallooda siyaasadda arrimaha gobolka.

Kooxda Villa somalia ee Taladii dalka iyo masiirka shacabka soomaaliyeed ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay muranka badda ee kala dhaxeeya dowladda Kenya, waxa ay sheegtay in la heshiiyay.

War ka soo baxay dowladda ee lagu soo koobay Waa heshiinay Kenya, ayaa shacabka soomaaliyeed tuhun gelinaya kaasoo ah in badda Soomaaliya gorgortan la galinayo.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay kal hore sheegtay in ay ku kalsoon tahay go’aanka laga sugayo maxkamadda ICJ balse waxaa warka qoraalka ee Villa Somalia uu muujinayaa in go’aankaasi ay ka soo dabacday kaddib safarkii Madaxweyne Farmaajo ee AddisAbaba.

Waxaa fallanqeynteydan ku muujinayaa in fikirkaan kaligeey igu ekeyn oo aqoonyahanno siyaasadeed ay qabaan in dowladdu ay qaadi kartay tallaabooyin kale si madaxbanaanida dalka aan loo dhaawicin.

Marka Kenya, aan u soo laabto, dowladda Kenya ayaa go’aan adag ka gaadhay khilaafka Soomaaliya kala dhaxeeya ee xuduudda biyaha badda.

Xukuumadda Nairobi Kenya oo Amb. Tarzan iyadoo wax badan aan ogaysiin qasab uga dhigtay in dalkiisa uu dib ugu laabto, safiirkeedii Muqdishona Lucas Tumbo la baxday.

Sida uu qorayo, Xeerka diblumaasiyadda caalamiga marba haddii safiirrada la kala qaato waxaa jira khilaaf diblumaasiyadda iyo xiriirka siyaasadda ku yimaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica waxay dhowr jeer sheegtay in dhul badeedkeeda aynaan wax gorgortan ah iyo wada hadal midna ka galaynin. Waxay kaloo sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qaldan tahay in dhul aynaan lahayn ay shidaal ka raadiso.

Haddaba, kulanka Nairobi sababta aan u idhi waxaa laga muujinayaa shaki weyn waxaa weeye, in safarkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada AddisAbaba uu Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha soo saareen qoraal si buuxda aan shacabka loogu faahfaahin. in dawlada kenya ka noqoto Go’aankii Khaldan ee ay hore u sheegatay dhulka bada ee Soomaaliya.

Maxamed Farmaajo, tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafkani ma jirin wax war ah oo ay ka siisay shacabkiisa ee wuu ka hadlay shirkii london in soo saarka shidaalka halka Kenya Madaxda dawlada Kenya tiro ka dhowr jeer ay warbaahinta kala hadleen dadkooda

Hoggaanka dalka oo hadalladooda ay ku badnaayeen in Soomaaliya ay madaxbanaanida ay dhowrayaan ayaa iminka u muuqda in khilaafka Kenya in ay damacsan yihiin in lagu xalliyo qol mugdi ah arrintaas oo noqonaysa khiyaano qaran oo ka baxsan dastuurka KMG ee dalka u degsan iyo sidoo kale dhaarintii ay u mareen badbaadinta dalka iyo dadkaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii hore sheegay in uu soo xiray faragalintii dowladda Itoobiya ee Soomaaliya, balse iminka waxaa muuqanaya in taasi aynaan waxba ka jirin.

Maxaa caddeyn u ah arrintaas in ay beenoowday? Warar diblumaasiyadeed oo aan Kenya ka helay ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Kenya oo maalmo ka hor Asmara ku kulmay ay isku soo hadal qaadeen arrintani.

Waxaa la socotaan, in heshiiskii afar dekadood Itoobiya loogu hibeeyay uu dhacay afar saacadood oo kaliya midka maanta ee Nairobi-na uu sidaas yahay. Waxaa muuqanaysa in madaxweyne Farmaajo caadeystay inuu go’aannada masiiriga ah ee umadda Soomaaliyeed uu ku gaaro afar saac oo kaliya!

Arrinta la yaabka leh, waxaa weeye in xafiiska warfaafinta RW Abiy war uu baahiyay lagu sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada heshiiyeen khilaafkii biyaha badda ee labada dhinaca ka dhaxeeya.

Hogaanka Madaxweyne Farmaajo Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyay qodobo dhowr ah oo ah dambiyo culus oo laga galay qaranka, sida;

1- Khilaafkii Khaliijka oo ay la safatay xukuumadda Dooxa

2- Ceyrintii Guddoomiyihii sharci yaqaanka ee Jawaari

3- Dagaalka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada dalka

4- Go’aanno siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda oo qaab degdeg ah dowladdu ay u gaartay Waxaa cadaatay in Kenya mowqifkeeda ahaa in beesha caalamka ay ka dhaadhiciso in muranka wada hadal lagu dhammeeyo, tiina ay dhacday.

Kulankii Nairobi Markhaati u yahay Figradii dawlada kenya sheegaysay Waxaan Fallanqeynteydani ma noqonayso siyaasiga xanaaqsan ama siyaasiga faraxsani ee waxaa ay ku qotontaa, qaabka diblumaasiyadeed ee loo maray in Kenya wixii ay doonaysay ee ku aaddan in lagu dhammeeyo khilaafka ay muujinayaan wada hadalladani maanta dhacay. Waxay ila tahay, in Madaxweyne Farmaajo uu sameeyn kartay dhowr siyaabood si loo ilaaliyo sumcadda iyo sharafka umadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah.

Waxaa ka aqoonyahan ahaan soo jeedinayaa, in madaxweynaha Soomaaliya uu hortago baarlamaanka labadiisa aqal kaddibna uu faahfaahin ka siiyo heshiisyadii dowladdu la gashay dhammaan dalalka caalamka intii labada sano ahayd. sida afar dekadood ee Itoobiya la siiyay, arrintaan cusub ee Kenya, tan shidaalka iyo kuwa kaleba.

Qore :- Danjire Maxamed Maxamuud Caalim
Aqoonyahan, siyaasi iyo diblumaasi ka faallooda siyaasadda arrimaha gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -