Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir soo badhigay saddex qodob oo Masiirka dadka Soomaaliyeed ku xiran tahay

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur , ayaa soo bandhigay saddex qodob uu tilmaamay in ay ku xiran tahay masiirka dadka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in saddeexdaasi qodob haddii ay hirgalaan la helayo nolol iyo nabad.

Saddexda qodob uu Wasiirku tilmaamay haddii guul laga gaaro in Soomaaliya isbeddel muuqda ku imaanayo ayaa kala ah, 1- la-dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, 2-in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah 3- iyo in la helo xurriyad dhaqaale.

Halkan ka akhriso qoraalka uu arrintan Wasiir Jaamac uga hadlay

Shacabka Soomaaliyeed waa in ay feejignaadaan indhhoodana furnaadaan difaacdaanna sadexdaan qodob oo masiirkooda ku xirantahay.

1)- La dagaalanka Khawaarijta.

Waa mashruuc qaran ayna leeyihiin dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, khawaarijtu hadii la jebiyo waxaa meesha ka baxaayo, baahida, horumar laanta, quusiga iyo faragelinta shisheeyaha boqolka shaar wata.

2)- In Dalkaan ay ka qabsoonto dooorasho qof iyo cod.

Waa howl Soomaali wada leedahay loogana xuroobaayo in shakhsi dad keensadeen ama shisheeye soo maalgashadey xukunka yimaado, kadibna sida aan nahay sii ahaano oo caalmaka nagu maadeestaan 4 tii sanaba mar Xalane laguugu yeero.

3)- Xoriyada dhaqaalaha.

Shacabka Soomaaliyeed ha ogaadaano sida keliya tuugsiga iyo gacan hoorsiga iyo duleysiga looga bixi karo waa inaan soo saaranaa, shidaalkeena, dahabkeena iyo dalagyadeena. Nin baahan gob ma ahan ayaa horey loo yiri.

Masraxyada kala duwan Waxaad ku arki doontaan dad si toosan iyo si dadban uga soo horjeedo iney Soomaali xargahaas iska jarto horeyna u socoto waa in shacabku ka hortago kana feejignaadaan beenta iyo barabugaandada loo maleegaayo.

Madaxweyne Hassan Sheekh wuxuu la yimid aragti sadaxdaas wax looga qabanaayo, waana waxa maanta lagu colaadinaayo, mid walbana wuxuu ka qabtey waad arki kartaan hadaad si cilmiyeysan u fiirisaan, waxaan idin leeyahay shacabkayagoow yaanan halyeeygiina hortiisa lagu xag xaganin.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cudur mar dunida ku laayey dad gaaraya 50 milyan oo lagu arkay dalka Shiinaha

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarka lagu qaaday Hotel Afrik iyo Cida ku sugneed xiliga weerarka

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray xarunta Xalane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---