Shirkadda iska leh baraha bulshada Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa ku hanjabtay in labadan adeeg oo ay malaayiin qof ka isticmaalaan gudaha dalka Nageria gabi ahaan dalkaasi ka xireyso, kaddib cadaadis xooggan oo ay sheegtay in ay la kulmeyso.
Meta , ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Nageria ay  kusoo rogtay ganaax weyn iyo shuruudo aan macquul ahayn, waxa ayna shirkadda sheegtay in hadda ka fikirayaan qaabkii ay isaga xiri lahaayeen adeegyadooda dalkaasi laga isticmaalo.
Shirkadda Meta sannadkii hore, saddex hay’adood oo Nageria ka jira ayaa ku ganaaxay in ay bixiso ganaacxyo lacageed oo gaaraya in ka badan $290 milyan (£218m), maadaama lagu helay inay ku xad-gudbeen sharciyo kala duwan.
“Waxaa laga yaabaa in nalagu qasbo in aan xirno adeegyada Facebook iyo Instagram-ka gudaha dalka Nageria, si loo yareeyo khatarta falalka noocaas ah” ayay shirkadda Meta ku tiri warqadaha maxkamadda.
Maxkmadda sare ee dalka Nageria , ayaa u qabatay shirkadda Meta in ganaaxyada lacageed ee lagu soo rogay ku bixiso ilaa dhammaadka bisha June, waxa ayna Meta ku guuldareesatay in laga horyimaado amarka maxkamadda kutaalla Abuja.
Facebook, ayaa malaayiin qof waxa ay si weyn uga isticmaalaan gudaha Nageria, waxaana haddii la xiro bartan saameyn ku yeelan doontaa malaayiin qof oo siyaabo kala duwan u isticmaala barta Facebook, mana sheegin shirkadda Meta baraha laga xirayo Nageria in ay ku jirto barta WhatsAppka oo shirkadda leedahay
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com