Dowlada Soomaaliya oo baaritaan ku sameeneysa weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee shalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkan yahay mid lagu doonayay in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dowlada ayaa sidoo kale sheegtay in baaritaan dhameestiran ku sameyn doonto weerarkan hoobiyaasha ah ee lagu qaaday xarunta Xalane oo ah goob ay degan yihiin diblumaasiyiinta reer Galbeedka iyo Hay’adadha Qaramada Midoobay.

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -