Madaxtooyada Somalia oo cadeesay in aysan Gor gortan ka galeyn Kiiska Dacwada Badda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu la socdo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi, waxaana maanta la filayaa in ay dhacaan kulamo lagu wada hadalsiinayo Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Soomaaliya, waxaana arintaasi la sheegay in ay Kenya ku dooneyso in Soomaaliya ku cadaadiso in ay ka laabato dacwada taala Maxkamada  Higue si kiiska badda ee lagu muran sanyahay wadahadal loogu dhameeyo.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kawada hadli doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Waxa uu Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed Axmed cadeeyay in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Dowlada Kenya ayaa dooneysa in Soomaaliya joojiso dacwada taala Maxkamada Caalamiga ee Higue si wadahadal loogu dhameeyo Dacwada badda, waxaana qorshaha Kenya hadii uu aqbalo Madaxweyne Farmaajo noqon doontaa guuldaro lasoo darista Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.co

- Advertisement -