Madaxweyne Trump oo ka laabtay amar la xiriira Coronavirus oo uu soo saaray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka laabtay baaqiisii ahaa in la karantiilo gobollada uu sida aadka ah ugu sii fidayo coronavirus ee kala ah New York, New Jersey iyo Connecticut, balse soo jeediyay in taasi baddalkeeda la saari doono xayiraad adag oo dhanka socdaalka ah.

Qoraal uu soo dhigay Sabtidii barta Twitter ayuu madaxweyne Trump kaga dhawaajiyay qorshaha karantiilka saddexda gobol, hase yeeshee wuxuu cambaareyn adag kala kulmay guddoomiyaasha gobollada uu beegsaday.

Gufeernatooraha gobolka New York Andrew Cuomo ayaa hadalka Trump ku tilmaamay dagaal ay dowladda federaalka kusoo qaaday gobolkiisa, isaga oo intaasi raaciyay in qarantiil lagu sameeyo New York ay tahay sharci darro aanan la aqbali Karin oo dhaawaci doonto dhaqaalaha gobolkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa faah-faahiyay qorshaha Aqalka Cad ee xayiraadda socdaalka la saarayo saddexda gobol ee dagaalka adag kula jira cudurka COVİD-19. Wuxuu kula taliyay in dadka degan gobolladaasi ay ka baaqsadaan safarada aanan muhiimka aheyn muddo 14 maalin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -