Somaliland oo War kasoo saartay Kulankii dhax maray Farmaajo iyo Abiy Axmed

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay kulamo ay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ku yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Qoraal kooban ay soo saartay Wasaarada Arimaha Dibadda maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu garwaaqsaday in Somaliland kaalin muhiim ah uga jirto Geeska Afrika.

”Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida Maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay Dawlad Kaalin muhiim u ah kaga jirta Arimaha Gobolka Gaar ahaan dhinacyada Nabad galyada iyo Horumarka Dhaqaalaha ee Gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada Arimaha Dibadda Somaliland.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Maamulka Somaliland lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka aqbalay Ra’isul Wasaare Abiy in uusan soo fara galin xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Hadalkan kasoo yeeray Maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili Ra’isul Wasaaraha Itoobiya uu wado dadaalo uu kuwada hadal siinayo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo Madax banaani doonaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -