Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Waxaa saakay la filayaa in magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kulan gaar ah ku yeeshaan Hogaamiyaasha Wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya, waxaana kulankan uu yahay mid looga wada hadlayo xiisada Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy  ayaa labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya si toos ah u wada hadal siinaya, waxaana kulanka xoogiisa looga hadli doonaa sidii loo qaboojin lahaa xiisada labada dal u dhaxeeya wax walbana wadahadal loogu dhameyn lahaa.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaan wax wadahadal ah yeelaan tan iyo waxii ka dambeeyay markii xiriirka labada dal uu xumaaday ayna Kenya kala baxday Soomaaliya safiirkeedii u joogay kii Soomaaliyana dalkeeda kasoo erisay.

Wadahadal labada Madaxweyne waxaa door dhax dhaxaadin ah iyo isku soo dhaweyn u noqonaya Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Hogaamiyaasha ayaa la filayaa in la qariyo inta badan qodobada ay isku afgartaan marka uu shirkoodu soo dhamaado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in uu aqbalo in Kenya u tago in wadahadal la furo dowladii sababta u aheyd in khilaafka labada dal dhasho, waxaana siyaasiyiinta tilmaameen in Muhiim aheyd in dal sadexaad wadahadalka ka dhaco.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa shaki badan ka qaba waxa kasoo bixi doona Wadahadalka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waxaana laga cabsi qabaa in Madaxweynaha aqbalo Damaca Kenya ee ku aadan in dacwada Badda lagu dhameeyo Wadahadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -