Xildhibaan Fiqi “Safarka Farmaajo ee Kenya wuxuu u egyahay mid uu ugu hoyanayo Uhuru Kenyatta”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xubnaha baarlamanka Somalia ayaa ka digay in safarka Madaxweyne Farmaajo ku tegayo magaalada Nairobi uu keeno khasaare iyo tanaasul aan laga fiirsan oo dhaxalkii umadda Soomaaliyeed laga sameeyo.

“Waxaan soo dhowaynaynaa in khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee soo cusboonaaday bishii la soo dhaafay xal laga gaaro laguna soo celiyo halkiisii. Waxaan si dhow ula soconaynaa safarka umadda Soomaaliyeed laga qariyey ujeedadiisa ee Adis ababa warkiisa laga soo dirayo, ayadoo umadda Soomaaliyeedna ay indhaha ku hayn doonto wadahdalka Nairobi ka dhici doona iyo xarunta madaxweynaha Kenya Uhuru ee u eg mid uu Madaxweyne Farmaajo u hoyanayo Uhuru Kenyatta, haddii wadahadalku mid dhexdhexaadin uu yahay aniga qiyaastayda wuxuu ka dhici lahaa Adis ababa..” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa dib u soo gocday go’aamo u tanaasulka dowladaha deriska ah oo Farmaajo looga bartay sida kii Qalbi dhagax lagu dhiibay, ONLF-na lagu sheegay urur argagixiso

“Waxaan ku rajoweynahay inaan umadda loo celin doonin qalad kale oo taariikhda gala, lama aqbali doono qaladaad kale oo qaddiyadda umadda lagu dhabarjabiyo”. ayuu yiri xildhibaan Fiqqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -