Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw si rasmi ah u furay Shirka Amniga Qaranka

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga furay shirka Amniga Qaranka ay ka qeyb galayaan Madaxda sare ee dalka iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa furmay kadib shirar ay saakay ilaa duhurkii lahaayeen Guddiga farsamada shirka amniga Qaranka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaana furitaanka shirka ka jeediyay khudbad muhiim ah.

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirkan ayaa waxaa kamid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka dhaceysa 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xili xiisad siyaasadeed ay u dhaxeyso Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana suurto gal ah in shirkan waqti dheeraad ah socdo.

Gabo gabada shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro War Murtiyeed ku aadan qodobada ugu muhiimsabn ee soo baxo shirka Amniga Qaranka kuna heshiiyaan Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre kulan la qaatay xubno katirsan Baarlamaanka EAC (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay G/Gaduud

Caydiid Ali

Daawo: Shiikh Shariif oo weerar Siyaasadeed ku qaaday Farmaajo iyo Khayre

admin
Taboola Ads ---