Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Duufaan aad u xoogan oo ku dhufatay Florida (Daawo Sawirada)

Duufaan aad u xoogan oo dhalisay khasaaro kala duwan ayaa ku dhufatay Koonfurta-bari ee gobolka Florida ee dalka Maraykanka, waxa ayna duufaantan hada ku wajahantahay gobolo kale oo katirsan Mareykanka.

Duufaantan oo loogu magac daray Michael ayaa saacaddiiba jaraysa 200km, waxa ayna duufaantan joogeedu yahay saddex mitir , waxa ayna khasaaro ka geesatay qeybo kamid ah gobolka Florida.

Inta la xaqiijiyay duufaantan waxaa ku dhintay hal ruux uu geed kusoo dhacay, waxaa sidoo kale duufaantan bur burisay guryo iyo goobo badan oo ganacsi, waxa ayna koronto la’aan dhigtay dad ka badan Half Milyan ruux.

Duufaantan oo si xoog ah ku socoto ayaa la sheegay in hada kusii wajahan tahay gobolo hor leh oo katirsan Mareykanka uu ugu horeeyo gobolka Georgia, waxaana digniino loo diray dadka kunool goobaha duufaanta ku wajahan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DFS oo Shaacisay in 80-nin looga dilay Al Shabaab weeraradii saakay

Cabdi Cade

Mustaf Dhuxulow oo heshiis qarsoodi ah uu dhaqaale ku helay Norwey la gelaya

Cabdi Cade

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---