Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay nin Kufsi iyo Dil isugu daray Gabar yar

Wararka aan ka heleyno magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in saakay xukun dil ah lagu fuliyay nin lagu helay dambi ah in uu kufsi iyo dil isugu daray gabar Da’yar ah.

Maxkamad kutaala magaalada Garbahaarey ayaa maalmo kahor xukun dil ah ku riday Maxamuud Cali Xaamud oo 32-sano jir ahaa, ninkan ayaana Maxkamada ku heshay in uu kufsaday kadibna dilay gabar yar.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa shaaciyay in xukun dil ah saakay lagu fuliyay Maxamuud Cali uu sheegay in uu qirtay in uu kufsi iyo dil u geestay gabar yar oo dadka deegaanka kamid aheyd.

Xukunkan dilka ah ee saakay lagu fuliyay ninka kufsiga iyo dilka geestay ayaa kusoo aadaya xili qeybo kamid ah Soomaaliya kusoo kordhayaan falalka naxariis darada ah ee isugu jira kufsiga iyo dilalka loo geesanayo gabdhaha yar yar.

Maxkamad kutaala magaalada Garawe ayaana dhawaan iyana xukun dil ah ku riday shan nin oo lagu helay in fal kufsi ah geesteen, lamana oga xiliga ragaasi iyana lagu fulin doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -