Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare loogu soo dhaweeyay Adis Ababa (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa  si heer sare ah waxaa goordhaw loogu soo dhaweeyay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo xubnaha la socda waxaa garoonka Diyaaradaha magaalada Adis Ababa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Itoobiya.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan kulan gaar ah la qaato  Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna labada dhinac kawada hadli doonaan arimo xasaasi ah oo xiligan taagan.

Kulanka ay yeelanayaan labada masuul ayaa diirada lagu saari doono xoojinta xiriirka labada dal iyo guud ahaan horumarka iyo nabadgalyada gobolka geeska Afrika, waxaa sidoo kale la filayaa in Abiy kala hadlo Farmaajo xiisada Soomaaliya iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -