Saddex Waxyaabood oo sabab u ah amaan darrada kusoo korortay Muqdisho

Qaraxyada khasaaraha badan, dilalka daa’imka, waa mid daashaday dadyowga ku dhaqan magaalada Muqdisho. Urugo iyo uurkutaallo ayey la noolyihiin. Ciil iyo carro bay cunaha is hayaan. Hadday hadlaan waa dil, haddii ay aamusaanna la deyn maayo. Waxayna is weydiinayaan, “ goormaa Muqdisho dhibaatadan ka dhamaaneysaa”?!

Iyadoo ay jiraan waxyaabo badan oo sabab u ah amni darrada, balse ii ogowlow inan kula wadaago Saddex waxyaabood oo si uun la iskaga indha-tirayo saameyntooda.

1)Xilalka oo loo xusho cid aan ehelkeeda aheyn

Sideedaba, aduunyada howl weliba waxey leedahay cid gaar ah oo Ilaahey takhasuskeeda siiyay, haddii la waayana waxaa adag qabashada howshaas ama ka guul gaarideeda. Howsha amaanka ma ahan howl sahlan, waxay u baahantahay dad aqoon iyo aqool u leh sida loo waajaho, sido kale leh qibrad ku filan xasaradaha markaas taagan oo lagu daray daacadnimo. Kasoo horjeedka taas, haddii amaanka loo wakiisho cid aanba meel laga maro aqoon u laheyn , asii lagu soo xushay xigto iyo xaal kale, waxaad sugtaaba waa fashil ku yimaada howshaas. Maxaa yeelay shaqsiga wuxuu wax ka qaban karaa kaliya waxa uu aqoonteeda ama qibradeeda leeyahay. Waqtigan la joogana magaalada Muqdisho waxay u baahantahay inay amaankeeda wakiil uga noqoto cid leh aqoonteeda iyo qibradeeda kuwaasoo ka madax banaan caburin cid kale kaga timaada.

2)Isla Xisaabtan la’aan

Isla xisaabtanku waa waxa keliya ee shaqsiga bini-aadamka ah uu howshiisa si sax uga soo bixi karo, haddii taasi meesha laga waayana, waxaa is ka yar cid howsheeda xil adag iska saarta. Haddii isla xisaabtan jiro, fal kasta oo dhaca, waxaa ka danbeeya baaritaan dhab ah oon afka aheyn, kaasoo lagu ogaanayo halka ay dhibaatada ka timid. Bal qiyaas inta qarax dhacday, iyo inta naf uu galaaftay, weli ma jirto cid loo xukmiyay amaba xilkeeda ku weysay. Isla xisaabtan hadduu jira waxaa yaraanaya musuqa ka dhex jira ciidamada amaanka dhexdooda. Sarkaal iyo askari kasta wuxuu ka taxadirayaa howsha loo igmaday.

3)Xukun Fulin la’aan

Xabsiyada magaalada muqdisho waxaa ka buuxa, gacan ku dhiigyaal aan tiro laheyn, xukunkoodu ahaa in tiirka la geeyo, nasiib darro taas ma dhicin, sabata aysan u fulina ma ahan mid aad jawaabteeda iga sugeyso. Tiro maleh darowalada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaan shacabka loo sheegaa in lasoo qabtay askarigii dilka geystay, nasiib darro xukunkiisu ma dhaafo xabsiga, in lasii daayayna labadeenaba war uma heyno. Waxaana halkii kasii socda dilalkii ay geysan jireen qaar ka mid askarta dowladda. Yaanan ka reebine, waxaa iyagana xabsiga buux dhaafiyay Kuwo iyagoo wax qarxinaya iyo qaar dilal fulinaya oo lasoo qabtay, iyagana xabsiga ayey ku jiraan; welina wixii ay mudnaayeen ma marin.

Bal malee, Haddii amaanka loo dhiibo cid ehel u ah, aqoon iyo qibrad u leh taasoo daacadnimo lagu daray, hubaal is bedel amni ayaa jiri lahaa, sido kale, cid kasta haddii mas’uuliyadeeda si dhab loogala xisaabtamo, waxaa yaraan lahaa shaqsi howshiisa dayaca amaba musuqmaasuqa. Si la mid ah, kuwa daalimiinta ah haddii xukunka ay mudanyihiin lala tiigsan lahaa waxaa joogsan lahaa gaboodfallada iyo dhiigga shacabka oo si fudud lagu daadinayo, waxaana jiri laheyd cabsi laga qabo xukunka caddaalada. Qof weliba intuu dayacuu dabkiisa soo gaaraa

W/Q  Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -