Labo Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday Deegaano katirsan gobolka Sh/Dhaxe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in labo dhacdo oo dadka argagax badan ku abuuray siyabao kala duwan uga dhaceen Deegaano hoostaga degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Dhacdada hore ayaa ka dhacday deegaanka Buurane oo qiyaastii 18km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar, waxaana deegaankaasi la sheegay in uu isku dal dalay nin macalin ka ahaa Iskuul halkaasi kuyaala.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in  macalin Maxamed Cabdi Aadan oo ahaa 52 sano jir  laga helay guri uu deegaanka Buurane ka deganaa isaga oo meyd ah kana soo laad laada xarig uu ku xirnaa.

Wali si dhab ah looma oga sababta uu isku dal dalay ninkan macalinka ka ahaa Iskuul kuyaala deegaanka Buurane, waxaana dadka deegaanka qaarkood sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay uu isku dhax yaacsanaa ayna heesteen xaalado isaga u gaar ah.

Dhinaca kale Aabe kunool deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ayaa wiilkiisa oo 8-sano jir ahaa ku dilay toorey, waxa ayna dhacdadan noqotay mid dad badan ka argagaxeen.

Masuul katirsan maamulka deegaanka Xawaadley ayaa laga soo xigtay in aabaha falka dilka ah u geestay wiilkiisa uu ahaa Takfiir uuna ka carooday sab ama goob xus ka jiray uu wiilkiisa hilib kasoo cunay.

Ciidamada amaanka ayaa lagu soo waramayaa in gacanta ku dhigeen aabaha dilkan argagaxa leh u geestay wiilkiisa, waxaana falkan si weyn uga carooday dadka deegaanka oo qaarkood la sheegay in ay weerareen dad takfiir ah iyo goobo ay isugu tagaan.

Soomaaliya qeybo badan oo kamid ah ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo raad ku laheyn diinteena suuban iyo dhaqanka soo jireenka ah ay leedahay umada Soomaaliyeed .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -