Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amaanka Masaajidyo kuyaala Yurub iyo Amerika oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa maanta si weyn loo adkeeyay amaanka masaajiyo badan oo kuyaala Wadamo kuyaala Qaarada Amerika iyo Yurub ,kadib weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay Masaajidyo kuyaala dalka New Zealand.

Ciidamo booliis ah iyo ilaalo kale oo gaar ah ayaa la geeyay Masaajidyo kuyaala Dalalka Mareykanka, Canada .Ingiriiska iyo kuwa kale, waxaana arintan looga hortagayay in uu dhaco weerar lamid ah kii ka dhacay dalka New Zealand.

Muslimiinta kunool qaar kamid ah wadamada Reer Galbeedka ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qabaan kooxaha Islaam naceybka, waxa ayna Muslimiinta walaac ka muujinayaan sugitaanka amaankooda oon xil weyn la iska saarin.

Weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaala dalka New Zealand ayaa dhaliyay caro badan, waxaana weerarkaasi oo lagu dilay 49-qof si kulul u cambaareeyay inta badan madaxda caalamka.

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland oo qarxay

Cabdi Cade

Maqaayad amar yaab leh soo rogtay oo laga furay Magaalada Changsha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---