Rag ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay iyagoo ku sii jeeda buuraha Galgala

Ciidamada Puntland ayaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno si weyn loogu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab kuwaasoo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari kooxdan ay fariisimo ku leeyihiin.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan ragga la qabtay oo ka soo baxay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kontrolka degmada Badhan iyadoo mid kamid ah oo isku dayay inuu cararo ay ciidanku toogasho ku dileen halka saddex kale oo isdhiibayna la qabtay.

Raggan oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la sheegay markii hore ka yimid dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland si ay u gaaraan buuralayda Galgala.

Ninka la toogtay ayaa galabta la aasay, iyadoo Saraakiisha Amnigu aysan faahfaahin ka bixin agabka ay wateen raggan oo su’aalo lagu weydiinayo xabsiga magaalada Badhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -