Maxamed, wiil magaciisa lagu soo gaabiyey, oo aad muuqaalkiisa Kaamerada qarsoon ka aragtaan,  ayaa noqday todobaadkan dhibbanihii ugu dambeeyey tacadiyo joogto ah oo ay ciidamada Masaarida ku hayaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Qaahira, ee dalka Masar.

Sida uu sheegayo dhibanaha iyo xataa Soomaalida la joogtay, waxaa ay rag booliis ah ka qabteen Xayi Caashir, Madiinat Al-nasri ee Qaahira, Bustoolad ayaa lagu qabtay, waana la garaacay, si xoog ah ayaana lagu waday, kadibna waxaa laga soo qaatay Lacag gaareysa A 46000 Geniga Masar iyo  kaarkii aqoonsiga, baasaboorkii, mobilkii iyo jaakad. Kadibna dhul magaalada ka baxsan oo Saxaro ah ayaa lagu tuuray.

Saacado kadib, Maxamed waxaa uu saldhigga Madiinat Al-nasri geeyey film muujinaya jir-dilka ay u geysteen raggii booliiska ahaa, markii hore waxaa ay iska dhigeen dad wax ka qabanaya arrintan, maadaama ay aqoonsadeen ciidamada waxyeellada geystay, laakin markii si gaar ah isu wareysteen, waxaa ay dhammaan la soo baxeen weji kale, waxaa ay dhaheen been ayaad sheegeysaan, iyaga oo ugu hanjabay Maxamed inuu meesha isaga tago, haddii kale daroogo lagu nabi-doonno.

Ciidamada intaas kuma ekaane, waxaa ay u wadeen gurigiisa, iyaga oo is leh lacag ayaa taalo si xunna way u fatasheen, ugu dambeyntii waxaa ya dhaheen “bax, dacwana ma geyn kartid saldhig ama meel kale”.

Dhacdadan ma aha markii ugu horeysay, ee ay la kulmaan ardeyda iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalka Masar, gaar ahaan kuwa ku nool Madiinat Al-Nasri, Ciidamadu waxaa ay caadeysteen mar walbo in dadka Soomaaliyeed dhibaateeyaan, kulana kacaan dhac, jir-dil iyo beegsi gaar ah, waxaa ay xalaaleysteen xoolahooda.

Ciidamada Masaarida ayaa si joogta u yimaada xaafadda xayi caashir, iyaga oo dhac, jir-dil iyo hanjabaad joogta ah ku haya jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku nool, waxaa ay sidoo kale xoog ku qaataan lacago loogu talo-galay ijaar-ka guryaha, lacagta waxbarashada, biil-ka, ganacsi iyo mashaariic ay jaaliyaddu ku maal-gelineyso dalka Masar.

Isla bishan, dhibbane kale oo magaciisa ku soo koobay Cabdullahi ayaa sheegay“ Aniga oo jooga Xayi Caashir, waa ii timid 2 nin oo askar ah, sharciga ayey i weydiiyeen, waan tusay, kadib xoog ayey igu wadeen, meel duur ah ayey geysteen, waana i jir dileen, kadibna waxaa ay iga qaateen lacag $3,000 kun ka badan, waxaa kaloo  ay iga qaateen Mobilka iyo cardkii aqoonsiga”.

Mar aan weydiinay inuu saldhigga tagay, waxa uu ku jawaabay “Dawco waan gudbiyey, isbitaal tag ayey i dhaheen, waxaas dhan waan sameeyey, laakin haddii aan tago niyaabada rajo fiican kama qabo, waayo kuwoo iga horeeyey ayaa lacag laga qaatay 30,000 oo geni waxna lagama qaban”.

“Nin Soomaali ah ayaa iyadana laga qaatay $600, mid kale oo gaari watay, waa la istaajiyey, oo waxaa laga qaatay  70,000 oo geni iyo $1,000, markaas ka hor lacago badan ayey dhaceen oo qaarkood maxkamad yaalo kiiskooda, dhacu waa joogto”, sidaasi waxaa sheegay qof kale oo Jaaliyadda Soomaalida ee Masar ka tirsan.

Jaaliyadda Soomaalida ee Masar waxaa ay sheegeen in dhibkaas dartiis ay qaar ka mid ah u guureen dalka Turkiga, in badanna ay hadda ku fakerayaan sidii ay hantidooda ula bixi lahaayeen.

Soomaalida deggan Masar waxaa u badan ardey iyo qaar kale oo ganacsato ah, waa dad ka cararay dagaallo, oo nabad raadiyey, ma aha dambiilayaal, waxaa ayna shacabka Masar ula dhaqmaan si wacan, oo ixtiraam iyo walaaltinnimo ah.

Jaaliyadda Soomaalida ee Masar waxaa ay fahmi la’yihiin sababta loo beegsanayo xoolahooda, waxaa ay sidoo kale si gaar ah uga cabanayaan saldhigga Madiinat Al-Nasri, Qeybta 1aad oo marar badan wax ka qaban waayey cabashadooda,.

Ugu dambeyntii, Jaaliyadda waxaa ay codsi u dirayaan maamulka madaxweyne Cabdifitaax Al-sisi, iyaga rajo ka qabo in dowladdiisa ay soo farageliso xaaladda iyo dhibaatadan joogtada ah, waxaa ay sidoo kale dowladda Soomaaliyeed iyo safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ka dalbanayaan inay ka hadlaan dhibaatada lagu haayo Soomaalida Masar, si loo gaaro xal waara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -