Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Howlgal lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii lasoo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

In ka badan 40 dagaalyahan oo kamid ah kooxda Al Shabaab ayay Ciidamadu ku dileen hawlgalo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deeganada Beerxaani Kaamjaroon Araare iyo Jamaame.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in hawlgaladan ay kala dhantaalayaan damacii kooxda ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay ciidamada geesiyada ah sidii loogu tala galay hawlgaladan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka ra’yidka ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hawlgaladan ay sii socon doonan isla markana meel walba lagu beegsan doono Argagixisada Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoggaan dhaqanka Hiiraan oo Bayaan ka soo saaray dhismaha Goloyaasha Deegaanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo booqday xarunta shirkadda Huawei (Sawirro)

Cabdi Cade

Ilhan Cumar oo Jawaab adag siisay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---