Wiil uu dhalay Osama Bin Ladin Madaxiisa la dul dhigay Hal Milyan oo Dollar (Sawirro)

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan hal Milyan oo Dollar dul dhigtay Madaxa mid kamid ah Wiilasha uu dhalay Hogaamiihii la dilay ee Ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin.

Hamza Bin Ladin oo ah 30-sano jir ah ayaa la rumeesan yahay in uu kamid yahay saraakiisha sare ee kooxda Al Qaacida, waxaana Wiilkan la sheegay in uu kamid ahaa Wiilasha uu caruurtiisa ugu jeclaa Osama Bin Ladin.

Dowlada Mareykanka ayaa hal Milyan oo dollar u balan qaaday cidii keenta xog horseedi karta in la qabto ama la dilo Hamza Osama Bin Ladin oon si rasmi ah loo ogeyn halka uu ku nool yahay.

Wiilkan uu dhalay Hogaamiyihii Al Qaacida ayaa kusoo caan baxay muuqaalo uu soo duubayay mudooyinkii lasoo dhaafay uu uga dalbanayay taageerayaasha Kooxda Al Qaacida in ay weeraro ka geestaan Mareykanka iyo Wadamada Reer Galbeedka.

Mareykanka ayaa Xamza Bin Ladin ku daray waxa loogu yeeray liiska argagaxisada labo sano kahor, waxaana la sheegay Xamza in uu guursaday gabar uu dhalay Maxamed Atta oo kamid ahaa ragii fuliyay weerarkii Mareykanka ka dhacay sanadkii 2001-dii.

Wasaarada Arimaha Dibadda dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Waraaqo laga helay gurigii lagu dilay Osama Bin Laden muujinayay in Osma Wiilkiisa Xamza u diyaarinayay sidii uu uga badali lahaa hoggaaminta Al-Qaacida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -