Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa shaqa-joojin ku sameeyay guddoomiyihii maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan.
Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland oo aan warbaahinta laga shaacin ayuu shaqadii kaga joojiyay guddoomiyihii maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo denbiyada culus G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed.
Xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Siciid Deni oo aan ogolaansho u haysan in magacyadooda warbaahintu xigato ayaa xaqiijiyay warka ku saabsan shaqa joojinta guddoomiyihii maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan.
Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland G/sare Cawil Jaamac Nuur ayuu si KMG ah madaxweyne Deni ugu magacaabay xilka guddoomiyaha maxkamaddaasi, kaddib markii uu shaqada ka joojiyay Cabdifitaax Xaaji Aadan.