Kheyre oo Saacado badan kadib ka hadlay Weerarkii lagu hoobtay ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Saacado kadib si kulul u cambaareeyay weerarkii dhiiga badan ku daatay ee Al Shabaab ka fuliyeen Laamigaa Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Weerarkii Al Shabaab ka geesteen Laamiga Maka Al Mukarama, waxa uuna caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay.

Waxa uu balan qaaday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in dadka dhaawacyada culus qaba ee dalka aan xaaladooda wax looga qaban karin loo qaadi doono caafimaad dalka dibadiisa ah si xaaladooda loola tacaalo.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay Shabaabkii weerarka ka dambeeyay in ay galeen guri dad shacab ah degnaayeen, waxa uuna ciidamada amaanka ku amaanay sida ay howlgalka usoo afjareen una bad baadiyeen shacabkii go’doonsanaa.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowlada ay la dagaalami doonto cadawga dadka leenaya , waxa uuna cadeeyay in aan la fiirsan karin ficilada ay maalin walbo lagu leenayo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale galabta isbitaalo ku booqday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay ilaa maanta socday ee Al Shabaab ka fuliyeen Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan agagaarka Hotelka Maka Al Mukarama.

Weerarkii Al Shabaab ka fuliyeen Laamiga Maka Al Mukarama waxaa ku dhinay dad ka badan 20-qof oo shacab u badnaa, waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 50-ruux oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -