Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo yareenaya saameynta UAE ku leedahay Soomaaliya iyo Sacuudiga oo…

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa shalay gaaray magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga , halkaa oo uu kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga, Faysan bin Farhan Al Saud.

Wadahadallada ayaa la sheegay inay la xiriiraan Iskaashiga labada dal, iyadoo markii u horreysay la arkayo xiriirka labada dal inuu isku rogayo xulafo muhiim ah, xilli Sacuudiga uu balaayiin doollar ku maalgelinayo warshadaha difaaca Turkiga , halka la arkayo iskaashigooda siyaasadda inuu wax u taray Suuriya oo Sacuudiga uu gacan ka geystay cunaqabateyntii laga qaaday Suuriya iyo bixinta deymihii bankiga adduunka.

Turkiga iyo Sacuudiga , waxay hadda diiradda saarayaan xaaladda Suudaan oo ay isbeddelo ka dhacayaan, kaddib markii kooxda ka soo horjeeda milatariga Suudaan ee RSF , lagu hubeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo riddo dhexe ah oo leh awood burburin, dib u hubeyntan oo meesha ka saartay dheelitirka dagaalka oo ay ku gacan sareeyeen milatariga, waxayna hadda RSF si joogta ah u weerartaa xarunta kumeel gaar ah ee Suudaan ee magaalada Port Sudan, xaaladan oo waji kale u yeeshay dagaalka Suudaan. Inta lagu jiray booqashadii Trump ee toddobaadkii hore uu ku tagay Sacuudiga, wuxuu dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan kala hadlay Trump ,sidii xal loogu heli lahaa Suudaan oo uu caddeeyay inay ka go’antahay Riyaad, gaarista joojinta dagaalka Suudaan.

Ankara ayaa sidoo kale bixinaysa dadaal la xiriira sidii Sacuudiga uu door ugu yeelan lahaa arrimaha Soomaaliya , oo hadda la arkayo loolanka uu Turkiga kala kulmayo Imaaraadka Carabta , sabab la xiriirta saameynta ay dawlad-gobolleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ku leedahay Abu Dhabi.

Markii u horreysay ayaa hadda laga yaabaa in la arko xiriirka dawladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay isbeddelo ku imaanayaan. Turkiga hadda wuxuu dhisay xiriirka Muqdisho iyo Dooxa, oo uu doonayo inuu ku soo daro Riyaad , iyadoo ujeeddadu tahay inay dawladda federaalka ka hortaggi karto saameynta Abu Dhabi ee gudaha Soomaaliya.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Wasiir Jamaal oo jawaab adag siiyey Xildhibaanka u ololeynaya Aqoonsiga Somaliland

Cabdi Cade

Digniin adag oo laga bixiyey dhulgarir culus oo ku soo wajahan Magaalada ….

Caydiid Ali

Nin oon dartiisa u dhintay oo Qoyskiisa magdhaw ahaan loo siinayo Malaayiin Dollar !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---