Allbanaadir.com
NEWS

Dibed baxayaal careysan oo buux dhaafiyey xarunta Madaxtooyada Suudaan

Dibad-baxayaal kumanaan gaaraya ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee madaxtooyada caasimadda Suudaan ee Khartuum iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah dowladda

Dadka ayaa ku eedaynaya dowlada waxqabad la’aan dhibaatada haysata dhaqaalaha.

Dibadbaxa ayaa waxaa ku baaqay siyaasiyiin lala xiriiriyay xubno sarsare oo ka tirsan milateriga oo diiddan nidaamka xukun madani ah loogu wareejinayo awoodda dalka.

Kooxda isugu jirta milateriga iyo rayidka ayaa waxa ay wadaagayeen awoodda labadii sanadood ee la soo dhaafay ee xigtay markii xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir

Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdook waxa uu Jimcihii sheegay in Sudan ay dhibaato wayn ku dhexjirto, waxa uuna ku celceliyay sida ay uga go’antahay sidii loo heli lahaa qaabkii dalka lagu gaarsiin lahaa doorashooyin dimuqraadi ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo maanta kulmaya iyo Somaliland oo ka hadashay

Cabdi Cade

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Duulimaadyo siday ciidamo Turki ah oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---