Isbadal lagu sameeyay xiliga ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamuka Jubbaland waxaa ka socda diyaar garowga doorasho lasii ogyahay natiijada kasoo baxeysa oo lagu dooranayo Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland ee dooranaya Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxda kale ee maamulka ayaa shalay lagu dhaariyay Kismaayo, waxa ayna Xildhibaanada oo u badan taageerayaasha Axmed Madoobe isku diyaarinayaan doorasho.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Jubbaland ayaa soo saaray Habraaca doorashada Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka , waxa ayna Guddiga sheegeen in doorashada Gudoonka Baarlamaanka dhaceyso 17-ka bishan agoosto oo ku beegan sabtida.

Guddiga qaban qaabada Doorashada ayaa sidoo kale soo hor mariyay doorashada Madaxweynaha oo horey loo qorsheeyay in ay dhacdo 24-ka bishan balse hada laga dhigay  19-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota.

Musharaxiinta isbadal doonka ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kasoo horjeeda doorashada dhawaan dhaceysa, waxa ayna Musharaxiinta horey kalsoonida ugala anoqdeen guddiga qaban qaabada doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -