Madaxtooyada Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Mustaf Cagjar (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga Madaxtooyada uu Hargeysa ka dagan yahay kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar.

Mustafa Cagjar iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa uu xalay booqasho markii ugu horeesay ku tagay kadib markii loo magacaabay Madaxweynaha maamulka Soomaalida.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka dadka ku dhaqan labada deegaan iyo sidii ay wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen Maamulada Somaliland iyo maamulka Somali State ee xaruntiisu tahay Jigjiga.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa Somaliland u tagay sidii uu uga qeyb gali lahaa dhagax dhiga Wado laga dhisayo Berbera ilaa xadka Soomaalida Ioobiya, wadadaan ayaana loogu tala galay in ay sahasho socodka labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -