Ra’isul Wasaare Abiy oo Sameenaya Casho Sharaf Shuruud adag ku xiran tahay !!

Ra’iisul Waasaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa sameenaya casho sharaf ay kasoo qeyb galayaan kaliya dad dhaqaalo badan heesta, waxaana casho sharaftan tikitka lagu galayo lagu iibsanayaa lacag aysan qof kasta aysan awoodin.

Casho sharafta uu sameenayo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa dadka doonaya in ay kasoo qeyb galaan waxa ay tikitka  ku iibsan karaan aduun lacageed oo gaaraya  175,000 oo doolar.

Lacagtan waalida ah ee lagu iibsanayo tikitka cashada uu sameenayo Abiy Axmed ayaa looga gon leeyahay in lagu aruuriyo lacag malaayiin dollar ah oo la doonayo in lagu fuliyo mashaariic dhismo wadooyin waa weyn.

Casho sharafta uu qabanayo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan hantiilayaal lacago badan heesta kuwaa oo daneenaya in mashaariic ka fuliyaan gudaha Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa dhawaan iibiyey saacaddiisa oo uu qiimaheeda ahaa 175,000 oo doolar, xilli lacag loo aruurinayey mashruuc lagu dhisayo wado 100 km ah oo ku taala koonfurta caasimadda Addis Ababa.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa tan iyo markii uu talada dalkaasi qabtay la yimid isbadalo waa weyn oo loo riyaaqay, waxaana dhaqaalaha Itoobiya la sheegay in uu sii kobcay marka uu talada  qabtay Ra’isul Wasaare Abiy.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -