Sargaal kasoo goostay Somaliland oo S/Guuto loo dalacsiiyay loona magacaabay Taliye kuxigeen

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dalacsiiyay Gashaanle sare Caydiid Axmed Nuur Siciid oo katirsan ciidanka booliiska maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa wareegtada kasoo baxday lagu dalacsiiyay Ceyduud Axmed Nuur oo hada laga dhigay Sareeye Guuto, waxaa sidoo kale Madaxweyne Deni sargaalkan u magacaabay in uu noqdo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Sargaalkan uu dalacsiiyay Madaxweynaha maamulka Puntland una magacaabay taliye kuxigeenka ayaa horey u ahaa Taliyihii Ciidamada Bariga Gobolka Sanaad ee Somaliland, waxa uuna horaantii sanadkan taliyaha isku soo dhiibay dhinaca Puntland

.

Halkan ka Akhriso Wareegtooyinka Dalacsiinta iyo magacaabista

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Halkan ka AKhriso Digreetada Dalacsiinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-61, Ogoosto 19, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid loo dalacsiiyey derajada S/Guuto.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -