Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo kawada magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Abdi kaariye “Qoorqoor” oo maalmahan ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo kala duwan la qaatay maamulka iyo bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Qoor Qoor ayaa maanta  kulan la qaatay Maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo, waxa uuna ka dhageestay warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan xaalada amni iyo mida bulsho ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ku amaanay maamulka magaalada Gaalkacyo sida ay u shaqeeyaan iyo isbadalka maamul iyo mida amni ee hada ka jirta magaaladaasi.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa magaalada Gaalkacyo u tagay xalinta xiisad ka dhalatay dil loo geestay Wadaad caan ka ahaa magaaladaasi, waxa uuna Qoor Qoor bilaabay in uu kulamo kala duwan la qaato bulshada Gaalkacyo si uu warbixino uga dhageesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -