Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax sababay dhimashada hal iyo dhaawaca kale oo dhamaantood shacab ah ayaa caawa ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan uu dhacay ka dib markii rag hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen fariisiin ciidamada boolisku ku leeyihiin meel ku dhow Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere.

Qaraxa ayaa  jugtiisa meelo badan laga maqlay, iyadoo ciidamada dowlada ee bamkaas lagu weeraray ay fureen rasaas aan badneyn.

Qofka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa wiil darawal ka ahaa mooto bajaaj halkaas mareysay xiligu qaraxu dhacayey, iyadoo labada dhaawacmayna ay ahaayeen dad wadada ku lugeynayey sida ay sheegeen dadka degaanka.

Lama oga in qaraxan uu khasaare ka soo gaaray ciidankii lala beegsaday, balse waxaa xaafadaha ku dhow goobtaas ka socda howgalo ay sameynayaan ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Mareykanka kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo ka hadlay jabhad maamulkiisa kasoo horjeeda oo lagu soo dbaweeyay dalka …

Cabdi Cade

Warar sheegaya in uu xanuunsan yahay Madaxweyne Putin iyo Kremlin-ka oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---