C/kariin Guuleed oo ka hadlay dagaalada ka soo cusboonaday gobolka Mudug

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beeleedyada mar kale ka soo cusboonaaday degaano ka tirsan gobolka Mudug.

Guuleed ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee colaadu u dhexeyso iney dagaalka joojiyaan wixii khilaafaad ah ee jirana wadahadal iyo walaalnimo ku dhameystaan.

“Waxaa mar labaad baaq nabadeed u soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee ku diriraya degaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq, anigoo ka codsanaya inay xabadda deg deg u joojiyaan, gogol wadahadalna isugu yimaadan” ayuu yiri C/kariin Guuleed

Waxaa uu intaas ku daray colaadu uu wiil ku dhinto balse uusan wiil ku dhalan, lagana dhaxlo burbur iyo barakac, isagoo Waxgaradka halkaas ku sugana u soo jeediyay daminta colaadaas inay ku baxaan, nabadna kala dhex dhigaan dadkaas walaalaha ah ee halkaas ku diriraya.

Hadalka C/kariin Guuleed ayaa ku soo beegmaya xili ay sii kordhayaan baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq ee gobolka Mudug kuwaasoo isku haya dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla, waxaana illaa hadda ku dhintay dad fara badan, qaar kalena wey ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -