Al-Shabaab oo 20 dagaalyahan looga dilay meel ku dhow Beled-weyne

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa saaxiibadooda meel u dhaw magaalada Baladwayne 25-kii bishan ayaa lagu dilay 20-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegaya in goobta uu howlgalkan qorsheysan ka dhacay ayaa sidan oo kale lagu dilay 30 Ka tirsan Alshabaab 30-kii Janaayo ee sanadkan.

“Howlgalkan waa mid Ka mid ah talaabooyinka joogtada ah ee Ciidamada qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ahi ugu diidayaan shabaab inay nastaan helaanna waqti ay isku abaabulaan si ay u waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Maraykanka.

Maraykanka ayaa xoojiyey tan iyo bilowgii sanadkan duqeymaha iyo weerarada uu la beegsanayo goobaha ay joogaan Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -