Allbanaadir.com
NEWS

Channel 14: “Israel waxay qorsheysay beegsiga goobaha rayidka”

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 14 oo lagu sheego inuu yahay telefishin uu maalgeliyo Netanyahu , ayaa laga sii daayay inay Israa’iil isku diyaarinayso qorshe milatari oo ay ku doonayso inay ka fuliso Iran, kaasoo lagu tilmaamay inuu la mid yahay qorshe ay horey Israa’iil u fulisay oo loogu yeero ‘Dahiyeh Doctrine’!

Waa maxay qorshaha dagaal ee Dahiyeh Doctrine?

Waa istiraatiijiyad milatari oo ku saleysan duqeyn baaxad leh oo lagu beegsado kaabeyaasha rayidka, si loo abuuro cabsi iyo burbur guud. Waxaa markii ugu horreysay lagu tijaabiyay Lubnaan  sanadkii 2006, iyadoo si ula kac ah loo duqeeyay xaafadaha rayidka ah ee Dahiyeh – oo ahayd saldhigyo muhiim u ahaa Xisbullah. Hadda isla howlgalkan wuxuu ka socda marinka Qasa.

Howlgalkan ma khuseeyaa barnaamijka nukliyeerka?

Maya. Sida ay sheegtay Channel 14, qorshahan looma adeegsanayo xarumaha nukliyeerka ee Iran, balse wuxuu si toos ah ugu wajahan yahay bartilmaameedyo rayid ah oo ballaaran, si loo wiiqo awoodda bulshada iyo maamulka Iran ee dhinaca gudaha.

Haddii Israa’iil ay dhab uga fuliso gudaha Iran u qorshaha dagaal ee  Dahiyeh Doctrine:

  • Waxay sababi kartaa khasaaro baaxad leh oo rayidka gaara
  • Waxay abuuri kartaa cawaaqib siyaasadeed iyo mid caalami ah
  • Waxay Iran siin kartaa cudurdaar sharci iyo mid caalami ah si ay u qaaddo weerar ballaaran oo is-difaac ah

Related posts

Jilaaga ugu Mushaharka badan dunida & qoyskiisa oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Shir Xasaasi oo Garawe ku dhax maray Madaxda Puntland iyo Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Puntland & Jubbaland Waa raadinaynaa” (Daawo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---