Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Doha (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka caalamiga ah ee Hamad International Airport ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayey wasiirka Isgaarsiinta dalka Qatar, safiirka dalka Qatar u fadhiya Somalia iyo xubno kale.

Wakaalada wararka ee dalka Qatar ayaa sheegtay in Socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu yahay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 2 maalmood ah.

Dayuurad gaar ah oo dowladda Qatar ay soo dirtay ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaaday Madaxweyne Farmaajo oo safarkan uu u noqonayo kii shanaad ee uu bishan dibeda ku tago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -