Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuuradaha dagaalka India oo garaacay gudaha dalka Pakistan (Daawo Sawirro)

Dowlada India ayaa shaacisay inay weerar dhanka cirka ah ku qaadday kooxo mintidiin ah oo ku sugan gudaha dalka Pakistan, iyadoo xiisada labada dal u dhexeysa ay haatan faraha ka sii baxeyso.

Wasiir katirsan Xukuumadda Hindiya ayaa sheegay in duqaymaha ay ku beegsadeen saldhig wax lagu tababaro oo ay leedahay kooxda Jaish-e-Mohammad oo ku yaal Balakot.

Pakistan oo ka carootay weerarkan ayaa sheegtay in duqaymahaas lala beegsaday deegaan cidlo ah, hase ahaatee waxay ballan ku qaadday inay jawaab ka bixinayso.

Xiriirka u dhexeeya labadan dal ee dariska ah ee hubka nuclear-ka haysta ayaa xumaaday tan iyo markii horraantii bishan weerar ismiidaamin ah lagu dilay 40 askari oo ka trisan ciidamada Hindiya.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedaysay in ay kooxo mintidiin ah u oggolaatay dalkeeda si ay hawlgallo uga fuliyaan gudaha Hindiya.

Kooxda Jaish-e-Mohammad ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee Pakistan ay kaalin ku lahaayeen weerarkii dhacay 14-kii bishaan February.

Duqaymihii dhanka cirka ee maanta ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee lagu qaado dhulka Pakistan ay maamusho tan iyo sanadkii 1971-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Itoobiyaan badan oo ku dhamaaday doon ay ka raaceen Boosaaso

Cabdi Cade

Haween iyo caruur ka tirsanaa hal qoys oo lagu laayey degaan hoos taga Sh/dhexe

Caydiid Ali

Cilad Weyn oo ku timid Telfoonada Casriga ee iPhones

admin
Taboola Ads ---