Somalia oo la wareegeysa guddoonka golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

Wasiirka arrimaha dibeda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay la wareegeyso hogaanka wasiiradad arrimaha dibeda Jaamacadda Carabta.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya madax ka noqon doonta Golaha Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta.

Sanadkii hore ee 2018 ayaa mar la isku soo qaaday in Soomaaliya ay marti geliso shir madaxeedka Jaamacadda Carabta inkastoo aan la caddeyn in la baajiyay ama la qabanayo.

Soomaaliya ayaa muddo dheer halgan ugu jirta sidii ay uga soo muuqan lahayd hoggaanka Jaamacadda Carabta oo ay xubin ka tahay tan iyo 1974tii iyo ururada kale ee caalamiga ah.

Toban sano ka hor ayey aheyd markii Somalia ay guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira.

Wasiir Cawad ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee a ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -