Duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose

Dayuurado dagaal ayaa xalay Saqdhii dhexe duqeymo ka geystay saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Saldhigyo la duqeeyey ayaa waxay ku kala yaalaan degaanada Ow-dheegle, Janaalle iyo Kuunya-Barrow oo dhamaantood ka tirsan gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan dadweynaha ku dhaqan degaanadaas.

Weli ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha xalay lala beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin degaanada la weeraray

Al-Shabaab oo duqeymahan ka hadlay ayaa waxay sheegeen in dayuurado dagaal oo duqeeyay degaanka Kuunya-barrow ay ku geeriyoodeen 3 qof oo shacab ah, balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Dhinaca kale ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga oo la aaminsan yahay iney duqeymahan fuliyeen ayaan illaa hadda war ka soo saarin.

Degaanada ay maamulaan kooxda Al-shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya diyaarado ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -