Wasiir dhawaan iska casilay Maamulka Koonfur Galbeed oo Go’aankiisi hore Badelay !!

Waxaa dhawaan Golihii Wasiirada uu magacaabay Madaweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iska casilay labo Wasiir, kuwaa oo is casilaadooda ku sheegay in xilalka la siiyay aysan u qalmin beelahooda.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa dadaal u galay sidii uu u qancin lahaa Wasiirada is casilay , waxa uuna ku guuleestay Madaxweynaha in mid kamid ah Wasiiradii hore isku casilay ku qanciyo in xilkaasi aqbalo.

Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka Cabdisalaan Cabdulaahi Yalaxow )oo horey u shaacisay in uu xilkan iska casilay ayaa mar kale badelay go’aankiisa, waxa uuna sheegay Wasiirka oo sidoo kale ah Xildhibaan in uu aqbalay xilka loo magacaabay.

Cabdisalaan Yalaxow ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed la kulmay Xildhibaanka Dowlada federaalka ugu jira beeshiisa iyo Nabadoonka beeshiisa lana xaliyay cabashadii beesha qabtay.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku qanciyay beesha ka cabatay Wasiir kuxigeenka loo magacaabay in uu siin doono xilal kale oo muhiim ah oo maamulkiisa katirsan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xiligii uu ololaha ku jiray beelo badan u balan qaada xilal muhiim ah , hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa markii uu guuleestay kadib balamo uga baxay beelo horey u taageeray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -