Allbanaadir.com
NEWS

Qatar oo lagala hadlay Dar-gelinta Mashaariicda ay ka fulineyso magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

Duqa magaalada Muqdisho iyo Alnuaimi ayaa ka wada hadlay xariirka labada dhinac, iskaashiga iyo dar-dargelinta mashaariicda horumarineed oo ay dowladda Qatar ka fuliso gobolka Banaadir.

Sidoo kale  labada masuul ayaa kulankooda waxa ay iskula soo qaateen xoojinta taageerada dowladda Qatar iyo dhiira-gelinta maalgeshiga dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna dowladan Soomaaliya ka hirgalisay mashaariic badan ay ku jiraan dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal loo xiray dilkii maanta rabshadaha ka dhaliyay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Kheyre oo sheegay in ay muuqato fursad wanaagsan oo lagu dhisayo Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo Macawuusleyda beeshiisa ugu baaqay in ay qabtaan Ceelbuur iyo Galhareeri

Cabdi Cade
Taboola Ads ---