Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dab ka kacay Xabsi caan ah ay ku xiran yihiin Siyaasiyiinta iyo Suxufitiinta Iran (Sawirro)

Xabsi caan ah oo kuyaalla magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran ,ayaa waxaa ka kacay dab xooggan oo dhaliyay khasaaro kala duwan, waxaana goobta uu kuyaallo xabsigan laga arkayay holac iyo uuro ka baxeysa.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday xabsiga ayaa muujinayay holaca ka baxayay xabsiga, waxaa sidoo kale halka uu kuyaallo xabsiga laga maqlayay qaraxyo iyo rasaas sida warbaahinta qaar tabineyso.

Xabsiga Evin ayaa caan ka ah dalka Iran, waxaana xabsigan oo kuyaalla magaalada Tehran inta badan lagu xiraa siyaasiyiinta mucaaradka, suxufiyiinta iyo sidoo kale dadka kale ee ajaaniibta ah.

Dabka ka kacay xabsiga Evin iyo rasaasta iyo qaraxyada laga maqlay ayaan faahfaahin badan laga heyn, mana jirto ilaa hadda war faahfaahsan oo dowladda Iran kasoo saartay xaaladda xabsiga.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maxaabiista xabsiga ku xiran gubeen qeybo kamid ah xabsiga, waxaana arrintan warbaahinta qaar sheegayaan in ay daba socoto dibad baxyada rabshadaha wata ee ka socda Iran

Dalka Iran waxaa ka socda dibad baxyo xooggan oo dhigayaan dhallinyaro dumar u badan, kacdoonkan ayaana ka dhashay markii ciidamada booliiska Iran dileen gabar ay u xireen xihjaab la’aan ,waxaana carro arintaasi ka dhalatay sababtay geerida dad kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Mala dilay mise Corona ayuu u dhintay Cali Khaliif Galayr? Muxuuse ahaa?

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay Shil Tareen oo ka dhacay Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Deni oo todoobaadyo ka dib ka soo laabtay safar dibeda ah & Qaliino uu maray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---