Wararkii Ugu Dambeeyay Gaari waxyaabaha qarxa waday oo lagu qabtay gobolka Isio

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda booliiska qabteen gaari waxyaabaha qarxa iyo hub siday oo Soomaaliya ka yimid, gaarigan ayaana la sheegay in waxyaabahan qarxa u waday dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo gudaha Kenya ku sugan.

Maamulka gobolka Isio ee dalka Kenya ayaa sheegay in gaarigan waxyaabaha qarxa waday qabteen kadib markii ay xogtiisa heleen, waxa ayna sheegeen in gaarigan la baarayo halka rasmiga ah ee loo waday.

Saraakiisha ciidanka booliiska ee gaarigan gacana ku haya ayaa Warbaahinta u sheegay in  Gaariga la qabtay ay saarnaayeen Miinooyinka dhulka lagu Aaso, Qoryo, Bambooyin iyo Mindiyo .

Gaariga la qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in ay saarnaayeen Kiimikada laga sameeyo waxyaab aha qarxa, gaarigan waxaa waday labo nin oo Kenyan ah kuwaa oo la sheegay in ay baxsadeen.

Al Shabaab ayaa gudaha dalka Kenya ka geesata weeraro toos iyo qaraxyo, waxa ayna Kooxda Al Shababa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyeen weerarada ay ka geesanayaan gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -